Madaxweyne Deni oo booqanaya Bursaalax iyo Daaru-salaam

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo booqasho ku maraya Degaanada Ciidka ah ee Gobalka Mudug ayaa saaka ku wajahan Degaanka Daaru-salaam ee saaran xadka Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Deni ayaa kormeeraya xarumaha Dowladda iyo Goobaha kale ee loogu adeego Bulshada ee ku yaalla Daaru-salaam, isagoona kulan la qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Intaas kaddib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u sii gudbaya Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, halkaas oo ay ka socoto Qaban-qaabada soo dhaweyntiisa, isagoona ku Hoyan doona Caawa.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.