Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Daaru-salaam (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degaanka Daaru-salaam ee Gobalka Mudug, kaas oo saaran xadka Dowladda Puntland iyo Itoobiya.

Maamulka Degaanka, Isimo, Waxgarad & Boqolaal shacab ah ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Degaanka, Madaxweyne Deni ayaana uga mahad-celiyay Dad reer Daaru-salaam soo dhaweyntooda isagoona sheegay inuu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xariga ka jaray Mashaariic ay Dowladdu ka hirgalisay Daaru-salaam, isagoona dhagax-dhigay Mashaariic cusub.