Sweden: Hooyo Soomaaliyeed oo laga qaatay canugii sideedaad

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatey toddoba caruur ah oo ay dhashay ayaa shaley laga qaatay canugii sideedaad, saacado un kadib markii ay dhashey.

Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii umushey waxaa kala wareegay mas’uuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay.