VIDEO: Mas’uuliyiin u dhashay Lubnaan oo xabsi la dhigay

Mas’uuliyiin ka shaqeynayay dekadda Beyrut ee uu ka dhacay qaraxa dadka badan laayay ayaa la geliyay xabsi guri, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen, sida ay sheegtay dowladda Lubnaan.

Qaraxa ayaa galaaftay noolasha dad ka badan 135 qof, waxaana ku dhaawacmay 4,000 oo kale. Lubnaan waxaa hadda ka dhaqangalay xaalad degdeg ah oo laba todobaad soconaysa.

Madaxweyne Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah.

Madaxa kastamada ee Lubnaan, Badri Dahir, ayaa sheegay in hay’adda uu madaxda ka yahay ay codsatay in kiimikadaasi dekadda laga qaado, balse “aanay taa dhicin.”

Maadada Ammonium nitrate ayaa loo adeegsadaa bacriminta beeraha iyo weliba sameynta walxaha qarxa.

Khubaro ka tirsan jaamacadda Sheffield ee UK ayaa sheegay in qaraxaasi uu lahaa awood 10% u dhiganta qumbuladii atomic-ga ee lagu riday magaalada Hiroshima dagaalkii labaad ee dunida.

Waxa ay sheegeen in “qaraxaasi uu kamid yahay kuwa aan nukliyeerka ahayn ee ugu weynaa dunid inta taariikhda la og yahay.”