Video:-Faahfaahin khasaaraha diyaarada Hindiya ee burburtay

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah.Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen BBC-da.Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.Duullimaadka ayuu lambarkiisa ahaa IX-1344.Garoonka Calicut wuxuu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Kerala, duullimaadyada ugu badan ee caalamiga ahna ay kasoo dagaan.

Halkan ka daawo muuqaalka