Shiinaha iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay la saxiixatay dowladda Shiinaha heshiis iskaashi oo la xiriira dhinacyada ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka.

Heshiiskan ayaa yimid, ka dib markii ay wafti ka socda Shiinaha oo uu hogaaminayo wakiiilka Shiinaha u qaabilsan Africa ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xiriir dhexmaray Somaliland iyo Taiwan ayay Dowlada Shiinuhu si weyn uga carootay,waxaana muuqata in waftigan sare ee soo gaaray Hargaysa oo uu jawaab u yahay arinkaas.