Video:-Maxaa sababay hakinta xilka qaadistii Duqa Gaalkacyo ee qorshaysnayd?

Sida aan xogta ku helay waxaa la joojiyay qorshe lagu kala diri lahaa golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo,iyadoo taa badalkeeda Duqa iyo maamulkiisa la siiyay mudo uu wax uga badalo shaqada Dowlada Hoose.

joojinta qorshahaas,waxaa ka danbeeyay xeerin mashaariic muhiim ah oo Magaalada ka hirgeli doona.

Mashruuca ugu muhiimsan ee loo hakaday waa mid ay Magaaladu sanadkii ku helayso dhaqaale gaaraya Nus Milyan dolar oo lacag ka bid Miisaaniyadeed oo cadaan ah.

Dhanka kale waxaa dib uhufid xoog leh lagu sameeyay maamulka Dowlada hoose,iyadoo loo jeexay gacantana laga saaray Duqa qorshayaal cad-cad oo mudo leh.

Wasiir Dhabancad waxaa lagu amaani karaa sida uu xog ogaal ugu yahay Gobolka uguna damqanayo daacadana uga yahay horumarkiisa.

Halkan ka daawo muuqaalka