“Markale hanala gumaysto!”

“Markale hanala gumaysto!”

In ka badan 50,000 oo qof oo Lubnaani ah ayaa saxiixay warqad ay ku dalbanayaan in dalkooda la geliyo maxmiyad ay ku hoos tegayaan dalka Faransiiska 10-ka sanadood ee soo socda.

Baaqan la yaabka leh ee lagu dalbanayo Gumaysi Faransiis – oo dalkaa ka jirey bilowgii qarnigii 20-aad ee hore – ayaa ah mid aad uga fog aragtida uu dal ka qabi karo midkii gumaysan jirey.

Warqaddan oo la bilaabay Khamiistii oo ku beegnayd markii uu dalkaa uu si deg deg ah u booqday Emmanuel Macron waxaana aad ula yaabban dad badan oo Lubnaani ah.

Dalka Lubnaan ayaa nidaam ahaan maraya meel aad u liida dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaana uga sii daray qaraxii ku dhuftay dekedda Beyruut oo burburiyey il dhaqaale oo muhim ahayd.

Dad badan oo kusoo baxay meel uu joogey Madaxweynaha Faranskiiska ayaa ku qaylinayey “Kacaan! Kacaan! Kacaan! Fadlan na caawi.”

dad badan oo dalkaa u dhashay ayaa arrintan ku tilmaamay mid laga yaxyaxo iyagoo ku tilmaamay inay tahay “khiyaano qaran”, halka ay qaar kale ku doodeen in Lubnaan “aysan abidba xor ahayn”

sidaa darteed uu Faransiiskii oo soo noqdaa “uu xal noqon karo” marka loo eego horseedka siyaasadeed ee dalkaasi, sida lagu qoray Al-Quds Al-Arabi.

Shacabkaas waxa heerkaas gaarsiiyey Madaxdooda ,nolosha ay kujiraan iyagoo xor ah ayay ka doorbidayaan in la gumaysto , si ay u helaan nolol ka duwan tan maanta !!!

Arintan waxaa sabab u ah dhaqanka madaxdooda , Musuq maasuqa xadka xadka dhaafay , ku takrifalka awooda , Cadaalad darada wadanka kajira , iska horkeenida bulshada iyo Arimo kale

Arinta kale ee yaabka lihi waxaa weeye Lubnaaniyiintu waa dadka kaliya ee qaxootigooda dibadda ku maqani uu ka badan yahay kuwa dalka jooga. !!

Arrintan ayaa muujinaysa quusta ay taagan yihiin dalal badan oo ku yaalla dunida Muslimka oo ay madaxdoodu dulaysteen .

Abdirizak Jubba