Goormay W.Waxbarashada Puntland shaacinaysa Natiijada Imtixaanaadka??

Ogeysiis, Ogeysiis.

Ujeeddo: shaacinta imtixaanaadka dugsiyada sare ee dawladda Puntland 2019-2020.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, Macalimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo Isniin ah, taariikduna tahay 10ka bisha Augsto 2020, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo.

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkada Golis 299, ama Webka Wasaaradda ka daalacan doona natiijada Imtixaanka sida www.moepuntland.com.

Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardeyda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.

By: Deeq Hurevov, Madaxa xiriirka Wasaaradda Waxbarasshada iyo Tacliinta sare.