Maxay saamayn yeelatay Diidmadii Puntland iyo Jubaland??

Go’aan kii Puntland iyo Jubaland inaysan Muqdisho tagin waa shaqeeyay.

Xogaha soo baxayaa waxay sheegayaan in ay jiraan kulamo usocda hogaamiyayaasha Baarlamaanka Mursal iyo Muuday iyo Madaxtooyada Villa Somaliya.

Kulamadaas,ayaa looga arinsanayaa sidii loo dardar galin lahaa fikirka Baarlamaanka iyo Xukuumadu ee mudo kordhinta.

Waxayse umuuqataa in irid walba ay kasoo xiran tay kadib kulankii Dhuusamareeb.

Waxaa iyaduna soo dhawaatay mudadii ay ku balameen Dhuusamareeb-3 Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

4-maalmood oo qura,ayaa ka harsan balantii laysku ogaa in mar 3-aad layskugu yimaado Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor-qoor oo caawa ka hadlay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Istanbull,ayaa ka digay in aan laysku dayin in shirka dhuusamareeb waqtigiisa laga dib dhigo.

Halkaas waxaa ka cad Habargidir in ay cadaadis kusaarayso Dowlada Villa Somaliya in shirka ka hor lamagacaabo raysal wasaaraha oo iyaga lasiiyo.

Halka Dowlada Villa Somaliya ay ku adkaysanayso magacaabida Raysal wasaaraha ka hor in ay hesho waqti ku filan oo ay wadanka doorashada nooca ay rabaan kugaarsiiyan,iyagoo difaac ka dhiganaya magacaabida Raysalwasaaraha.

Diidmadii Jubaland iyo Puntland,sidoo kale shirki Mudulood waxay culays xoog badan kunoqotay damacii Farmaajo iyo Mursal ee mudo kororsiga.