W.Maaliyada Puntland oo isbadal weynku samaysay hanaanka Canshuur qaadista

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa magaalada boosaaso ka wada soo qabashada Gaadiidka aan Cashuurnayn.

Ciidammada ilaaladda Cashuuraha Wasaaradda ayaa ka hawl galay wadooyinka magaalada boosaaso si loo ogaado gaadiidlayda aan bixin Cashuuraha ku waajbtay.

Hawl galkan ollolaha Cashuuraha waxaa hoggaaminaayay Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Ciidammada ilaalada G/Sare Maxamed Baari.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan kor uqaadida dakhliga si Dawladdu u gudato waa jibaad keeda shaqo.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay u iclaamiyay Ollolaha soo qabashada gaadiidka aan Cashuurnayn kaasi oo laga hirgaliyay dhamaan Gobolada loona wado si joogto ah.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa umahad celiyay dadka Cashuurtay gaadiidkooda kuwa aan wali Cashuurna ugu baaqay in ay Cashuurtaan gaadiidkooda.