DPWorld oo shaacisay dhamaystirka Dekeda Berbera

Shirkada DPWORLD ee gacanta ku haysa dekeda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegtay in ay dhameystirtay 400mitir oo ah balaarinta iyo dhismaha dekeda cusub ee magaaladas oo ay la wareegtay 2017kii.

DP WORLD waxay sheegtay in marka dhammaan adeegyada la dhameystiro ay sannad kasta ka dagi doonaan 500,000Konteener ayna Berbera xarun u noqon doonto Ganacsiga gobalka geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal ay shaacisay DP WORLD.