Ku dooro waxqabadkeeda Ilhaan Omar

Rep. Ilhan Omar, maahan oo keliya in ay taariikh dhigayso ee waxa ay dhabaha u xaareysaa in adiga oo Maroodi Jeex iyo Mogadishu, ka yimid aad Minnesota, nolosha meel ka gaadho, magac iyo milgana ka tagto.

Labada (2) sano ee hadda ay wakiilka tahay siddeed iyo toban (18) sharci ayey ka meel marisay Aqalka Wakiilada Mareykan. Konton iyo kow (51) xeer oo kale ayaa u horyaal Golaha Wakiilada. Shan boqol, sagaashan iyo kow (591) xeer ayey wax ka qortay oo qeyb weyn ku leedahay.

Ilhan Omar, waa dubbe jabinaya darbi weyn oo carro, dhagax, shamiito iyo biro la isku shubey ka sameysan.

Ku dooro waxqabadkeeda oo codkaaga sii!!

SendHerBackToCongress #VoteIlhan