Alshabaab oo lagu jabiyay dagaalkii Shabeeloow

Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab,ayaa weerar ku qaaday deegaanka Shabeeloow oo 20-km bari kaga beegan deegaanka Bacaadweyne ee Gobobalka Mudug waxaana dagaal xoogan uu dhaxmaray ayaga iyo dadka deegaanka.

Dagaalka,ayaa lasoo wariyey inuu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac.

Sagaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa dhintay, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Sidoo kale la dilay 5 ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday deegaanka Shabeelow.

Wararku waxay xaqiijinyaaan in dib loo jabiyay Maleeshiyadii Alshabaab loogana adkaaday dagaalka.