Video:-Khamri fara badan oo lagu burburiyay Gaalkacyo

Taliska Qaybta Booliska Gobalka Mudug waxaa maanta lagu Burburiyay khamri farabadan oo lagu soo qab qabtay howlgalka la dagaalanka maandooriyaha ee ka socda Magaalada Gaalkacyo .

Halkan ka daawo muuqaalka

Goobaha lagu Burburiyay khamriga oo kala ah Taliska Qaybta iyo Saldhiga dhaxe,ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan.

Wasiiru-dowlaha Cadaalada Ilyaas Dinix.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur.

Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud.
Cali.

Gudoomiyaha Maxkmada darajada koowaad ee Gobalka Mudug.

Gudoomiyaha Maxkmada Madaniga ah.

Xeer ilaaliyaha Gobalka iyo qaybo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka.

Gaalkacyo waxaa si xoog leh uga socda hawlgal balaaran oo la dagaalanka Maandioriyaha ah.

Jibril Qoobey.