W.Maaliyadaha Somaliya oo heshiis gaaray

Muqdisho-shir-bileedkii u dhexeeyay Wasiirada Dawladda Federalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federal iyo Maamulka Gobolka banaadir ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan Dawladda Puntland waxaa uga qayb galay wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Shirkan ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin

1- qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka Miisaaniyadeed ee laga helay Bangiga Aduunka kuna aadan hoos dhicii Miisaaniyadeed ee uu keenay xanuunkii COVID2019.

2- Ansixin nidaam ku aaddan qaab-wadaagga lacagaha loo diro Dawladaha Xubnaha ka Dawladda Federalka ayadoo guddiga farsamadu sii falanqayn doonaan.

3- U guuridda Cashuuro Furdo oo ku salaysan qiime.

4-Xoojinta xog-wadaagga iyo horumarinta guud ee Maaliyadda dalka.

Masuuliyiinta ka qayb galay shirkan ayaa siwayn uga dooday qodobadan ugu dambayna laysku afgartay.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland