koonfur-galbeed oo markale ka hor timid doorasho hal qof iyo hal cod ah

Gudiga Farsamada doorashada ee ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland,ayaa doodo ay yeesheen maalmahan ukala qaybsamay laba garab…

1.Xaafiiska Madaxweynaha,Galmudug iyo Hir-shabelle waxay soo jeediyeen in doorasho Qof iyo cod ah la aado.

2.Koonfur-galbeed waxay ku adkaysatay mawqifkii laysla ogaa ee ahaa doorasho dadban.

Sida muuqata Villa Somaliya way dhexgashay Gudiga waxayna saamayn ku yeelatay Maamulada qaar oo horay uga fogaa.

Sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah Baarlamaanka Fadaraalku waxuu dadajinayaa qorshahoodii mudo kororsiga,isagoona ka hadli doona Shirka Dhuusamareeb iyo kan Gudiga Farsamada.

Puntland iyo Jubaland si cad,ayay uga gaabsadeen ka qaybgalka kulanka Gudiga Farsamada ee Muqdisho mana uga dabci doonaan wixii horay loogu balamay wax ka sokeeya.

Kulanka Gudiga Farsamada ee kala qaaran talooyinka kasoo baxa ma noqon doonaan kuwa dhaqangala ama wax ka badala xaalka Dalka.

Jibril Qoobey.