Madaxweyne Deni oo soo gaaray Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Garoowe.

Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.