Farmaajo oo baaqday xili Xalane laga sugayay

Waare iyo Laftagareen wax badan ayay kaga hor yimaadeen Farmaajo sida xoguhu sheegayaan.

Warmurtiyeed in lasoo saaro ayay ka diideen markii hore,iyagoo ku dooday in sii kala fogaansho imaanayo oo aysan dani ku jirin go’aamo la qaato Pl iyo Jl oo maqan,sida xogtu tilmaamayso.

Doodaas Qoor-qoor waa ka aamusay oo fikradna kama dhiiban.

Markii ilaa xalay laysku soo laabanayay Farmaajo oo maanta Xalane laga sugayayna ay yax-yax ku noqotay in uu iska soo tago,ayaa ugu danbayn is afgarad lagu gaaray in Warmurtiyeed lasoo wada saaro,sida Warku sheegayo.

Waare iyo Laftagareen waxay ku aqbaleen Warmurtiyeedka soo bixi doona qodobada doorashada ka hadlaya oo ay ku doodeen in Pl iyo Jl ay ka gadi karaan.

Farmaajo maanta in uu soo baxo,ayay ahayd,balse ilaa Khamiista in uu gaaro,ayaa dhici karta.

Jibril Qoobey.