Beesha caalamka oo digniin kale soo saartay

Beesha Caalamka,ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin go’aan ay arrimaha doorashada Soomaaliya ka gaaraan shakhsi ama koox kaligeed shirtay, loona baahan go’aan wadar ogol ah .Beesha caalamku waxay kaloo xaqiijiyeen in ay dabagal ku samaynayaan fulinta go’aankii wadar ogol ku soo baxa, Iyagoo ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah ee ka maqan Dhuusamareeb in ay shirkaas ka soo qaybgalaan.

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Beesha Caalamka waxay mar kale adkaynaysaa in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si khasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad,isla markaana aan la hirgelin karin,iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.