Haragii Sagaaro ma waxaa la dhigay Geedkii Harweyne?!

Haragii Sagaaro ma waxaa la dhigay Geedkii Harweyne?!

Madaxweyne Farmaajo Sadexdii sano iyo badhkii uu Xafiiska ugu sareeya Soomaaliya joogay, Wuxuu na baray in Siyaasaddu tahay Harag Sagaaro oo kale, Inaan Siyaasadda lagu wada jiri karin, in Siyaasadda qof u haro, ”neck out strategy”

Waxaa mooda inuu toos u isticmaalay Maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd ”Harag Sagaaro iiga kac mooyee iiga durug maleh”.

Madaxweyne Qoor-qoor muddadii Sanadka ku dhaweyd ee uu hogaaminayey Gal-mudug wuxuu na baray wax aad uga duwan taas oo ah Siyaasaddu inay tahay Geed har-weyn oo nin walba oo Siyaasi ah uu dhinac ka harsan karo iyadoo aragtida Siyaasadeed lagu kala duwan yahay, Kursigana ay tahay in la kala sugo.

Hadda waxaad moodaa in geedkii Haraca ahaa ee uu fadhiyey Mudane Qoor-qoor ee ku yiilay Dhuusamareeb uu Haragiisii Sagaaro ee uu mudada Xambaarsanaa dhigtay Madaxweyne Farmaajo!.

Sidee geedka Harweyne looga qaadi karaa Haraga Sagaaro!!.

W/Q Hon Said Surcad.