Maxamuud Sayid oo Shir gudoomiyay Shirka amniga Jubaland

Madaxweyne Ku-xigeenka Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan waxaa ka qaybgalay xubnaha golaha Xukuumada ee katirsan golaha amniga, lataliyayaasha dhanka Amniga DG Jubbaland iyo Taliyayaasha Ciidamada iyadoo diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Dhameystirka Heshiiskii Beelaha walaalaha ah ee horay ugu dagaalamay duleedka magaalada kismayo kasoo hada maraya heer gabogabo ah.

Xal uhelidda xaaladda amni darro ee gobolka Gedo tasoo mudoyinkii danbe faraha kasiibaxayso. Iyo arimo kale oo lahalmaala amniga guud ee DG Jubbaland.

          ...........DHAMAAAAAD..........