Video:-Shirweynaha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka oo maalinkii 3-aad galay

Ergooyinka xisbiga Dimuquraadiga ayaa habeenkii saddexaad xalay yeeshay shirweynahooda la xiriira doorashada.

Dadkii xalay qudbadaha ka jeediyay waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Barack Obama, Hillary Clinton oo doorashadii 2016-kii uu Donald Trump ka guuleystay, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi iyo gabadha uu Joe Biden u soo xushay inay madaxweyne ku xigeen u noqoto Kamala Harris hadii uu guuleysto.

Dhanka kale, markii xalay qudbadaha ay jeedinayeen madaxda Dimuquraadiyiinta, ayaa Madaxweyne Donald Trump uu ka jawaabay dhalleeceynta loo soo jeediyay, isagoo dhankiisa cambaareeyay Obama oo uu ku tilmaamay nin wax tari waayay dalkan, dimuquraadiyadii Mareykankana halis geliyay.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayay ayuu yiri Trump: “markii aan dhageystay, waxaan arkay argagaxii uu nooga tagay, doqonnimada tallaabooyinkii uu qaatay. Fiiriya waxa aan hadda sameynay, waxaan leenahay derbi weyn oo xuduuddeenna ah, waxaanna heysanaa amaan.”

Halkan ka daawo muuqaalka