Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay Bishaaradii uu balanqaaday

Hadda ayuu madaxweynaha Turkiga dhameeyey khudbadiisii uu ku ballanqaaday inuu bishaaro maanta u sheegi doono shacabka Turkiga, taasoo noqotay iney badda madow ka heleen kayd ballaaran oo gaaska dabiiciga (natural gas) oo gaaraya 320,000,000,000 m3, (320 bilyan) ayna ku soo saareen markabka (Al-Faatix) oo ay iyagu samaysteen, tanina bilaw tahay, welina baaritaanno kale ay wadaan maraakiibta (Qaanuuni) iyo (Yavus).

Wuxuu sheegay Madaxweyne Erdogan sannado badan in maraakiib ajanebi baaritaanka wadeen waxna aaney soo saarin, laakiin hadda gacantooda ay ku samaysteen.

Wexeyna isu diyaarineysaa Turkiya in ey gaaska dhoofiso halkii ay 90% ka badan soo iibsan jirtey, wexeyna kor u boodeysaa 30 dhibcood ka badan liiska dalalka gaaska soo saara.

Xigasho.Sh.Idiris.