Maxaa kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb??

Shirkii Dhuusomareeb-3 waxa ka soo baxey heshiis qabyo ah oo aan loo dhammeyn, islamarkaana aan shaqeyn doonin.

Beesha Caalamka oo ah deeq bixiyaasha doorashadda Somaliya,ayaa hore u sheegeen in aysan taageerri doonin heshiis kasta oo aan loo dhammeyn.

Soomaaliya weli kama dhisna dowlad rasmi ah oo awoodda dalka oo idil gacanta ku haysta.

Awooddaha dowladnimo ee Somaliya waa mid qaybsan oo qaarba Gobol taal, sidaa darteed heshiis doorasho oo aan loo dhammeyn kama dhici kari Somaliya.

Puntland iyo Jubbaland ma aqoonsan doonaan heshiiska Dhuusomareeb-3 ka soo baxey. Deegaannada Puntland iyo Jubbaland kama dhici karto doorasho aysan aqoonsanayn labadaas maamul.

Dhuusomareeb 3 wuxuu muujiyey keliya biseyl xumada siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo damaca waalan ee kursi jaceylka.

Hadalka safiirka Maraykanka Yamamoto waa mid ka mid ah Twitter-adii faraha badnaa ee kasoo baxayay waayahan,balse aan waxba badalin jawaabtiisana waxaa kaga filan inta Nuuradiin ka yiri.