Beesha caalamka oo hoos udhigtay qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3

Majiro hal dal ama hay’ad caalami ah oo soo dhawaysay waxii kasoo baxay kulankii Dhuusamareeb ee dhicisoobay.

Maraykanku waxuu Farmaajo ugu gudbiyay kulankii garoonka Aadancade in loo baahan yahay wax Somalidu ku midaysan tahay in la helo.

Safiirka ingiriisku dhankiisa waxuu si kulul ugu yiri..’Waad nalu goysay wakhtigii,ayaad naga lumisay beena waa noo sheegtay cid walbana waad la dirirtay”.

Gabadhii ka socotay Midowga Yurub waxay usheegtay in waxa kasoo baxay Dhuusamareeb aysan ahayn waxii loo baahnaa oo ay filayeen.

Wakiilka Qaramada midoobey su’aal buu waydiiyay Farmaajo,taasoo ahayd…”Maku filan tahay in aad raadiso labada Dowladood ee Jubaland iyo Puntland mise waa kaa caawinaa?, maadaama dalku qalalaase galay oo waxa soo baxay ay yihiin waxaan lagu midaysnayn”.

Ugu danbayn kulankii garoonka waxaa lagu kala tagay in la helo hanaan doorasho oo lagu midaysan yahay.

Dhuusamareeb Farmaajo kama helin waxii uu rabay,taa badalkeeda waxuu ku waayay doorashadii uu saxiixay ee 1Qof iyo 1Cod iyo mudo kororsigii uu quudaraynayay.

Sida hada xoguhu tilmaamayaan waxaa jiri doona kulan kama danbays ah oo ka dhici doona Jabuti.

Jibril Qoobey.