Dhuusamareeb3 mideeye ma waxay ku noqotay Gaarigii Madoobaa!!.

Ololihii Doorashadii 2019kii ee Puntland ayaan waxaan ka mid ahaa Xubin ka mid ah Ololaha Musharax ay Shacabka Puntland aad ugu riyaaqeen, Waxaase halmar dhaawac Siyaasadeed oo aanaan filan aadna culus nasoo gaaray markii aan Subax Gaari Madow kasoo dajiney Garoonka Diyaaraha ee Garoowe, Waxaana heer-kulku cirka isku shareeray markii la ogaaday in Diyaaradu ay gaariga ka keentay Magaalada Muqdisho.

Gaarigaas oo markii hore aanaan ka fiirsan khatartiisa ayaa halmar wuxuu noqday Dubbe ay nagu garaacaan Qolooyinka aan Siyaasadda isku hayno, Kursiga ugu sareeya ee Puntlandna aan wada Raadineyno.

Erayo badan oo Xambaarsan dareenno kala duwan ayaa naloo isticmaalay kuwii ugu adkaa waxaa ka mid ahaa in ” Gaariga Madow ninka saaran uu yahay Gudoomiye Gobol”, waxaan aragnay inaan badweyn dhex jiifno, Waxaanse qaadnay talaabooyin kala duwan oo aan doonayney inaan ku badbaadinno Ololeheenna, Inkastoo aan Xeelado badan oo kala duwan isticmaalay hadana Gaariga Madow wuxuu noqday nabar nagu dhacay.

Doorashooyinkii lasoo dhaafay ee Puntland waxaa laga bartay in Shacabka Puntland inkastoo ay jecel yihiin Dowladnimada Soomaaliya, Hadana waxaa dhaawac lama ilaawaan ah Quluubtooda ku reebay Dagaalada Qaawan ee is-daba socday marwalbana uga imaanayey Madaxda Markaas fadhida Villa Somalia, taasina waxay Shacabka reer Puntland ku abuurtay inay fiiro dheeri ah u yeeshaan waxkasta oo ka imaanaya Magaalada Muqdisho, xattaa hadduu yahay wax wanaagsan.

Bayaanka Urur Siyaasadeed Mideeye uu ku taageeray Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb oo haba yaraatee reer Puntland aysan ku lahayn wax matalaad ah waxay fajaciso iyo u qaadan-waa ku noqotay in badan oo ka mid ah Shacabka reer Puntland, Waxaana dad badani ku macneeyeen in Ururka Mideeye uu Bulshada reer la wadaagay Jihada Siyaasadiisu ay u ruqaansan doonto Mustaqbalka.

Inkastoo Ururada Siyaasadda iyo qofwalba uu xaq u leeyahay Cabirka aragtidiisa, hadana waxaan ogsoonahay in Ururada Siyaasadda Puntland ay yihiin kuwa tartan ugu jira Siyaasadda Heer Degmo oo aysan wali gaarin Heer Xisbi, marka inay dhex-maquurtaan Siyaasadda Federaalka waxaa ka muuqan kartadeg deg dheeri ah iyo inay taageero helaan aragtiyada diidan Barnaamijka Xisbiyada badan ee PL.

Hadaba mala oran karaa Taageeradii Ururka Mideeye uu u muujiyey Natiijadii Shirkii Dhuusamareeb3 ee ay Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen waxay ku noqotay Gaarigii Madoobaa!!.

Maxayse ka baran karaan Ururada kale Nabarkaas!!.

W/Q Hon Said Surcad.