Xeer ilaaliyihii Hirshabelle oo loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, isagoona u magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo shalay iska casilay xilka Xeer ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle.

Mr. Gacal ayaa maanta lagu dhaariyay Xafiiska Madaxweyne QoorQoor, Madaxweynaha ayaana kula dardaarmay inuu si wanaagsan ugu adeego bulshada Reer Galmudug.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Galmudug Cabdullaahi Maxamuud Gacal, ayaa 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka kamid ahaa, isagoona xilal kala duwan kasoo qabtay Maxkamadaha iyo Garsoorka Soomaaliya.