Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhoweeyay Garoowe (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waftiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban Labada Gole ee Dowladda Jubbaland, Siyaaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa kulamo la qaadan doona dhigooda Puntland, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo Doorashooyinka 2020/2021.

Soo dhoweynta Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horyimi tagistii Shirka Dhuusamareeb 3, iyo qodobadii kasoo baxay 19 bishan August, waxaana ay wadaan Dadaalo lagu xoojinayo Mowqifkooda ku aadan Xaalada kala guurka Soomaaliya.