Ciidammada DANAB oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Sh/dhexe

Ciidammada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah, ka sameeyay Wadada xariirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Howlgaladan ayaa Ciidammadu ku adkeynayee amniga Wadada xariirisa Labada magaalo, oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab ayaa saraakiisha ciidamada waxaa ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

G/le Ismaaciil ayaa tilmaamay inay howlgalka intii ay kuguda jireen kusoo saareen miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen inta u dhexeeysa degmada balcad iyo magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay Askar, Shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.