DEG-DEG: Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin oo kulan ku leh Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa xilligan wada hadalo uga socdaa Hoyga Xasan Sheekh ka degan yahay Muqdisho.

Kulankan oo bilowday galabta ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo dalbaday Fahad Yaasiin oo saaxibo hore ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana wararku sheegayaan in laga wada hadlayo xaalada siyaasadeed iyo marxalada xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro.

Lama oga in arrimaha laga wada hadlayo inay ku jirto magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay, lana rumeysan yahay in Fahad ka mid yahay ragga talada ku leh. Sidoo kale ma cadda in Mucaaradka lagula gorgortamayo xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo in kale , waxaana dadka falanqeeya siyaasadda ay tuhun badan ka qabaan xilliga uu ku soo beegmay kulankan inuu yahay mid la xiriira wadatashiga magacaabida Ra’iisul Wasaaraha.