Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay Agaasimayaasha Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan oo ay weheliyaan Agaasimeyaashooda Maamulka iyo maaliyadda.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay hufnaan iyo howlkarnimo.

Shaqooyinka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa habacsanaan laga dareemayay tan iyo markii uu dilaacay cudurka COVID-19, Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe ayaana bilaabay kulamo uu la yeelanayo Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda si loo dardar geliyo Shaqooyinka.