Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garoowe, Ujeedada socdaalkiisa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida ilo-wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Taladaada imaan doono Garoowe, isagoona kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo isagu maanta yimid Garoowe.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe ayaa la xariira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa xaalada kala guurka Dalka iyo nooca doorasho ee  ka dhacaysa Soomaaliya 2020/2021.

Puntland iyo Jubbaland ayaa iska diiday ka qeyb noqoshada Shirkii Dhuusamareeb 3, kaas oo guuldarro kusoo dhamaaday kaddib markii Beesha Caalamka ay naqdisay dhab imaanshaha iyo fulinta War-murtiyeedkii kasoo baxay Shir ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shabakadda Idil News ayaa ogaatay in kulan Wadajir ah oo khadka Telefoonka ku dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo uu kaga dalbaday inay yimaadaan Muqdisho, balse ay ka diideen una sheegeen in aysan aamini karin amniga Muqdisho, iyagoona ugu dambeyntii lagu heshiiyay in lagu kulmo Garoowe.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.