Madaxweyne QoorQoor oo tababar u soo xiray Ciidammo (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horay ula wareegtay maleshiyo beeleedaydii ku sugnaa degaannada Galmudug iyo hubkooda, iyada oo sheegtay inay kamid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.