Muxuu yahay Ujeedka safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Garoowe ?

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed islaam iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada  Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Golihiisa Xukuumadda, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Hoggaanka iyo Bulshada Puntland ayaa looga wada-tashan doonaa arrimaha doorashada iyo xaalada Siyaasadeed dalka.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horyimi tagistii Shirka Dhuusamareeb 3, iyo qodobadii kasoo baxay 19 bishan August, waxaana ay wadaan Dadaalo lagu xoojinayo Mowqifkooda ku aadan Xaalada kala guurka Soomaaliya.