Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleed ka dhacay Degaanka Garasle

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Garasle we Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed.

Dadka Degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkan oo socday saacado uu ka dhashay khasaare kala duwan, oo soo kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalamay.

Dagaalkan ka dhacay Degaanka Garasle oo saaran xadka DDS iyo Galmudug, ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo dhul, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo kala jeedaan beelo ku kala abtirsada Degmada Balanbale (Mareexaan) iyo Degaanka Garacad (Ceyr).

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.