CC Warsame oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Hoggaamiyaha Xisbiga Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wafti uu horkacayo ayaa soo gaaray Magaalada Dhusamareb waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhusamareb ku soo dhoweeyey Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Magaalada Dhusamareb iyo Qaybaha Bulshada Caasimada.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Galmudug.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan ku yeelan doono Magaalooyin ka mid ah Galmudug, waxaana looga hadlaya xaaladaha kala guurka.

Maalmihii lasoo dhaafay Galmudug waxaa ka dhacayay  shirar looga hadlayay marxalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo go’aan ka gaarista hannaanka doorasho