Ciidammada DANAB oo saldhig ka sameystay Garoonka diyaaradaha Jowhar

Ciidanka kumaandooska DANAB ee ka tirsan Xoogga dalka ayaa saldhig ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Jowhar, halkaasoo horay saldhig ku lahaayeen Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Guutada 16aad ayaa maalin ka hor safar dhulka ah ku gaaray Jowhar, iyagoo ka ambabaxay Muqdisho, waxaana ciidankan yihiin qeybta ka howlgeli doonta Hirshabelle, si la mid ah kuwa ka howlgala Dowlad Goboleeyada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in qorshaha lagu keenayay Ciidamadan muddo sanad uu soo socday, si ay uga qeyb qaataan howlgalada guur guura ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya Ciidamada Mareykanka.