Diiwaan-gelinta Ciidammada Daraawiish-ta Puntland ee G. Mudug oo bilaabatay (Sawirro)

Howihii Dib-u-habaynta & Diiwaan-galinta Ciidammada dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furay Xerada Ciidanka ee Godod oo qiyaas ahaan 30-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Gudiga dib-u-habeynta & diiwaan-galinta Ciidanka dowlada Puntland oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidammada Booliska, Xildhibaan Fuaad abshir Adeer, Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaana ku sugnaa goobta.

Gudoomiyaha Gudigga Dib-u-habaynta Ciidamadda Dowlada Puntland ahna Wasiirka Maaliyada Xasan Shire Abgaal, oo Ciidanka la hadlay ayaa sheegey in diiwan-galintu ay tahay in la xareeyo xogta askariga oo dhamaystiran si u galo diiwaanka mushaarka oo askari walba taleefankiisa ugu soo dhacaysa.

Sidoo kale, Wasiir Xasan ayaa sheegey in uusan jirin askari laga tagayo mid walaba uu diiwaan-galinta marayo laguna diiwaan-galinayo nooca uu yahay marka diiwaan-galinta dhamaatana ciidanka tababar lagalin doono.

Wasiirka amniga & DDRTA Dowlada Puntland Mudane C/samad maxamed Gallan oo madasha kusugnaa ayaa ciidanka usheegey in nidaamkaan uu yahay mid sare loogu qaadayo tayada ciidanka Dowlada Puntland.

Dhinaca kale, Gudigga Dib-u-habaynta Ciidanka Dowladda Puntland ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaanka Godod waxaa ay la kulmeen Maamulka degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, Taliska ciidanka Daraawiiishta & Taliyaha booliska degmada Towfiiq.

Masuuliyiinta degmada Towfiiq ayaa Gudiga Dib-u-habaynta Ciidanka Dowladda Puntland & masuuliyiinta la socday kala hadlay baahiyo ka jira deegaanka, waxaana laysku afgartay in baahiyaas Dowlada Puntland ay deg deg u dabooli doonto hadana ay ku howlan tahay.