Gaalkacyo: Booliska iyo Sirdoonka Puntland oo gacanta ku dhigay xubno Burcad ah

Ciidammada Booliska Dowladda Puntland oo kaashanaya Sirdoonka Puntland (PISA), ayaa ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Nin kamid ahaa Rag dhowaan dhac u geystay Bangiga IFTIN EXPRESS, iyo Shirkadda Somtel faracyadooda magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ninka oo lagu soo qabtay howlgal xalay ka dhacay Gaalkacyo, ayaa xilliga la qabtay qorsheynayay inuu u baxsado Koonfurta Soomaaliya, sida ay saraakiil laamaha ammaanka Puntland katirsan u sheegeen Shabakadda Idil News.

Sidoo kale, Ciidammada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay 3-Nin oo burcad ah, kuwaas oo diyaarinayay qorshe balaaran oo ay ku dhici lahaayeen Xawaaladaha iyo Bankiyada Caasimadda Garoowe.

Ragan oo gacanta ugu jira Booliska Gobalka Mudug ayaa lagu wadaa in dhowaan Maxkamad lasoo taago.