Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Guddiga, isagoona ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay, kuna dhiirigeliyay inay halkaasi kasii wadaan.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan siiyay 10 Urur Siyaasadeed shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, waxaana ay 10 Urur ka qeyb-gali doonaan Doorashooyinka Golaha Degaanka ee Puntland oo qabsoomaya dabayaaqada sanadka soo socda ee 2021, iyadoona 3 Urur ee ugu cod bata noqon doonaan Xisbi Siyaasadeedyada Puntland.