Madaxweyne Farmaajo oo xirtay Iskoor 60 sanno kaddib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa u buuxsantay muddo 30 cisho oo aanu soo magacaabin Ra’iisul Wasaare, tan iyo markii la riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre 25-kii bishii hore ee July.

Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii u horreeyay taariikhda oo aan muddo 30 cisho Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabin, illaa iyo 1960 iyo dowladihii isaga kala dambeeyay burburkii kaddib waxaa dhaqan siyaasadeed u aheyd in Ra’iisul Wasaaraha lagu soo magacaabo muddo 30 cisho gudahood.

Axdi Qarameedkii Dowladdii KMG lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004 ayaa dhigayay in Madaxweynaha uu ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha muddo 30 cisho gudahood.

Dastuurka KMG ee sanadkii 2012 la diyaariyay ayaa wax muddo ah ku qorneyn magacaabidda Ra’iisul Wasaare.