Maleeshiyo beelood ku dagaalamay degaanka Balli-Dhiig.

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beelood ayaa ka dhacay degaanka Balli-dhiig ee xadka Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Maamulka Galmudug.

Dagaalkan oo daba socda kii shalay  ka dhacay degaanka Garasle, ayaa u dhexeeya maleeshiyo ku kala abtirsata Degmada Balanbale iyo Guriceel ee Gobalka Galgaduud (Mareexaan & Cayr), waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalamay.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka saaka ka dhacday Balli-Dhiig, uu ku dhintay 1 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaalad kacsan ayaa maanta ka jirta Degaanka Balli-Dhiig, waxaana jira gurmadyo soo kala gaaray maleeshiyo beeloodka dagaalamay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.