Maxay ka wada-hadleen QoorQoor & CC Warsame ? (Sawirro)

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie  iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Kulanka Madaxweyne QoorQoor iyo Siyaasi CC Warsame, oo saacado badan qaatay ayaa diirada lagu saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo shirarkii Dhuusmarreeb.

Siyaasi Abdirahman Abdishakur Warsame oo qoraal kooban ku qoray bartiisa Facebook, ayaa sheegaya in ay isla garteen isaga iyo Madaxweyne QoorQoor kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya, isagoona uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.