Sanbaloolshe “Xasan Sheekh wuu ka diiday inuu Fahad kala hadlo Arrimaha Siyaasadda” (VIDEO)

Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xubin ka ah Xisbiga UPD ayaa ka warxbixiyay kulan shalay galab illaa xalay dhex maray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in kulanka uu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan uu soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, balse aanu aheyd mid siyaasadeysan.

“Kulanka wuxuu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan, waxaa soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, ma aheyn mid siyaasadeysan mid shaqsi ah oo xog wareysi ayuu ahaa”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxaa uu sheegay in Taliyaha uu isku dayay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh inuu arrimaha siyaasadda kala hadlo, maadaama xilli doorasho lagu jiro, hase ahaatee uu u sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay arrimaha siyaasadda faraha kala baxdo xilligan kala guurka ah, kana shaqeyso amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxaa uu sheegay in mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran iyo midda UPD marna wax dhici kara aysan aheyn Dowlad wadaag, balse waxaa loo baahan yahay in dib u heshiisiin iyo in doorasho la aado.