Villa Soomaaliya oo wajahaysa Jahwareer dhanka Maamulka ah

Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa wajeysaa Xasilooni daro dhanka maamulka ah, iyadoo Madaxweyne Farmaajo Saddex Sano iyo bar uu joogo Madaxtooyadda Soomaaliya ay yeelatay Shan Agaasime.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu magacaabo Agaasimihii Lixaad ee ay yeelan doonto Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira Agaasime ku xigeeno badan oo soo maray Madaxtooyadda Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood ay isku dhawaayeen Siyaasad ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Shanta Agaasime ee Madaxtooyadda Soomaaliya soo maray Februay 2017 ilaa August 2020 ayaa kala ahaa:

1-Dr Cali Saciid Fiqi si ku meel gaar ah ugu magacaabay agaasimaha madaxtooyada isagoo xilkaas hayay billihii Febraayo illaa Abril 2017.

2- Abuukar Cabdi Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 22- bisha March 2017.

3- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 31 May 2017.

4- Drs Aamina Saciid Cali 22 August 2018 ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

5- Dr Nuur Diiriye Fursade waxaa loo Magacaabay 15-kii May 2019, waxaana uu shaqada ka tagay horaantii bishaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilalka ka wada qaaday Agaasimeyaasha Madaxtooyadda marka laga reebo Nuur Diiriye Fuursade oo isaga tagay Shaqadda Madaxtooyada ka dib markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo sidda ay xaqiijiyeen ilo og ogaal ah.

Qaar ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyadda ayaa sheegay qaarkood in Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay ay wajaheen dhibaato maamul oo aad u adag , maadaama isbadalka joogtada ah uu saameeyay Agaasimeyeyaasha qeybaha ee madaxtooyada.