Xasan Sheekh oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay FAHAD YAASIIN

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka hadlay kulankii xalay uu kula yeeshay hoyigiisa magaalada Muqdisho Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida & Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo Agaasimaha NISA uusan aheyn kulan siyaasadeed, loogana hadlin wax ajande siyaasadeed ah, balse ahaa kulan daaran Salaan iyo booqasho, maadama uu yahay oday Soomaaliyeed.

“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.” ayaa lagu yiri qoraalka Hassan Sheikh Mohamud.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Agaasimaha NISA oo saaxibo hore ahaa ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah lana sugayo in Madaxweyne Farmaajo uu magaacabo Ra’iisul Wasaaraha cusub oo sida la rumeysan yahay uu saameyn ku lee yahay magacaabistiisa Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo Mulkiilaha Dowladda.