Xildhibaano la kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland (Sawirro)

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde) oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Eng. Maxamed Ciise ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka Puntland u hayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.