Xildhibaano Su’aalo weydiiyay Wasiirka Duulista Hawada Puntland (VIDEO)

Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Garoowe halkaas oo ay Warbixin kaga dhageysteen Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebilay).

Xildhibaan Muuse Siciid Xassan.

Wasiirka oo uu wehliyo Maareeyaha Garoonka ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Airporka ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Airporka, iyo Xafiisyadda maamulka si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka u hayaan.