XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin ?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa kulan ku yeeshay hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Xasan.

Ilo-wareedyo ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka uu la yeeshay Fahad Yaasiin uu ahaa Salaan iyo Is-cafin uu ka dalbaday Madaxweynaha Fahad.

Dadka ka faalooda Siyaasadda ayaa rumeysan in qorshaha ugu weyn ee Fahad Yaasiin ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qotamay inuu shaki soo kala dhexgalo Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ay ku fahansan yihiin.

Fahad Yaasiin ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Mulkiilaha iyo Macalinka sida hoose u maamula Villa Soomaaliya, isagoona ah shaqsiga dejiyay qorshayaasha uu ku howlgalayo Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo haatan u muuqda inay gabaabsi soo noqonayaan.